(Sawirro) Xassan Shiikh oo afur wadareed ku casuumay Guterres & Diblomaasiyiin kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay diblumaasiyiinta ka howlgala dalka oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soo dhaweynta.

Madaxweynaha  ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibda caalamiga ahi ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya

Waxaa uu soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Xassan Shiikh ayaa sheega in guulahaas taageerada beesha caalamka la’aanteed ay adkaan laheyd in la gaaro.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo maanta booqasho ku yimid Somalia ayaa ka mahad celiyey sida weyn ee dalka loogu soo dhoweeyey.

Waxaa uu balan-qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso siina xoojineyso dedaalada, Nabada, horumarka, arrimaha bani aadamnimada iyo mashaariicda ee Somalia ay ka wado, wuxuuna amaanay sida DF oo garabsaneysa shacabkeeda ay guulo badan uga soo hoyeen dagaalka kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -