Muxuu Wasiirka amniga Soomaaliya kala hadlay dhigiisa Bratislav Gašić (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa kulan rasmi ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gašić.

Kulanka labada Wasiir oo ka dhacay magaalada Belgrade ayay kaga wada hadleen Xoojinta xiriirka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, gaar ahaan iskaashiga dhinaca Amniga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gašić ayaa sheegay in Serbia ay Soomaaliya ka taageereyso  Amniga, maadaama  Dowladda Faderaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka al-shabaab.

Labada Wasiir ayaa ku heshiiyay in labada dal ay yeeshaan Iskaashi dhinacyo badan ku qotoma, isla markaana la sii wado kulamada noocan ah si loo xoojiyo wax wada qabsiga labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -