Wafdi culus oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo jidadka muhiimka ah oo xiran

Inta badan waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka aroornimadii la xiray iyadoo sababtana lagu sheegay wafdi caalami ah oo ku soo wajahan magaalada

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterrs ay maanta booqasho ku imanayaan magaalada muqdisho waxaana dhammaan xiran laga soo bilaabo wadada Wadnaha, Maka Al Mukarama, Buundooyinka, Km4 wadooyinka gala Garoonka Aadan-Cadde iyo qaar kale,

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa u diidaya in Gaadiidka noocyadooda kala duwan ay isticmaalaan, taasoo keentay in dad badan ay cagtooda maalaan iyagoo ku sii jeeda goobahooda shaqada iyo kuwa waxbarashada, xili lagu jiro bisha Ramadaan, magaalada ay xalay ka da’een roobab xoogan oo biyo dhigay meel walba.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Guterrs ayaa marka uu soo gaaro Muqdisho waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa ee dalka.

 

- Advertisement -