Axmed Canshuur Xasan oo Shaaciyay Sababta uu uga soo goostay Al Shabaab

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle waxaa lagu soo bandhigay nin katirsanaa dagaalyahahanada Al Shabaab, kaa oo kasoo goostay kooxdii uu katirsanaa iskuna soo dhiibay ciidanka dowladda.

Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow oo gudaha Al Shabaab looga yaqaanay Jacfar ayaa sheegay in uu katirsanaa kooxda jabhadaha , waxa uuna sheegay in uu katirsanaa ciidamo ka howlgala gobolada Dhaxe ee dalka.

Ninkan waxa uu sheegay in Al Shabaab jab xooggan kasoo gaaray dagaalkii ugu dambeeyay ee la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxa uuna sheegay in isaga markii hore la qalday, balse hadda go’aansaday in kooxdaasi isaga soo tago.

“Anigoo fahansaneyn waxyaabaha dadka ku qaldayaan ayay igu duufsadeen oo waxay igu yiraahdeen Jihaad ayaa jiree kusoo biir, waxaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo kala duwan, kuwa ugu waaweyn waxaa kamid ahaa gobolka Mudug, Bacaadweyne iyo Wisil.” ayuu yiri.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee gacanta ku haya ninkan isa soo dhiibay ayaa sheegay in ay u gudbinayaan magaalada Muqdisho kuna wareejinayaan hay’adda NISA ,si ninkan loo geeyo xarumaha dhaqan celinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -