Ronaldo oo Hadiyad looga dhigay Saacad qaali ah markii uu tagay Sacuudiga (Sawirro)

Xiddiga dunnida kubadda cagta caanka ka ah ee Cristano Ronaldo ayaa hadiyad looga dhigay saacad qaali ah si uu ugu isticmaalo gudaha Boqortooyada Sacuudiga uu ku biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka dalkaasi ee Al Nassr.

Saacadan hadiyada loo siiyay Ronaldo oo farsameesay shirkadda soo saarta agabka qaaliga ah ee Jacob & Co ayaa lagu qiimeeyay lacag gaareysa £630,000 oo gini , waana saacad aad u qaali ah oo wax badan kaga duwan saacadaha kale.

Ronaldo saacadan qaaliga ah ee la guddoonsiiyay ayaa lagu xardhay midabka cagaarka oo ah midabka calanka Boqortooyada Sacuudiga, waxa uu sidoo kale midabkan ka turjumayaa barwaaqada Sacuudiga taalla.

Ciyaaryahanka dunnida wacdaraha kasoo dhigay ayaa heshiis qaali ah ugu soo wareegay kooxda Al Nassr , waxa uuna durba ciyaaryahankan taageerayaal badan ka kasbaday Sacuudiga uu magac u yaalay horyaalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -