Madaxweyne Xi Jinping oo ciidamadiisa ku wargeliyey iney isku diyaariyaan dagaal

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ku labisan direyska ciidanka ayaa Milatariga dalkiisa  ugu baaqay iney u diyaar garoobaan Dagaal.

Baaqa uu Madaxweynaha Shiinaha u direy Ciidamada Dalkiisa ayaa yimid xili uu Mareykanku ka digayo in ciidanka Shiinuhu ay weeraraan Jasiirada Taiwan oo sheegata madax banaani balse shiinuhu aaminsan yahay iney tahay qeyb dalkiisa

Washington DC ayaa marar badan wacad ku martey iney Jilbaha dhulka u dhigi doonto Shiinaha hadii Beijing ay weerarto Jasiirada Taiwan.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku celceliyay inuu Mareykanku difaaci doono Taiwan haddii la weeraro. Kadib markii afhayeenka congreska Mareykanka, Nancy Pelosi, ayaa booqatay Taiwan bishii Ogosto.

Toddobaadkan afhayeenka Wasaaradda arriomaha dibeda ee Shiinaha ayaa dhalleeceeyay Wasiirka Ganacsiga ee Boqortooyada Ingiriiska oo booqanayo Taiwan wuxuuna u sheegay dawladda Ingiriiska inay joojiso ku xad gudubka madax banaanida shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -