Galmudug oo War kasoo saartay howlgal Al Shabaab looga qabsaday deegaan Muhiim ah

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu bogaadiyay howlgal ay si wadajir ah ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka kula wareegeen deegaanka Qaayib oo ay heesteen Al Shabaab.

Galmudug ayaa sheegtay in howlgalka saakay la fuliyay looga saaray Al Shabaab gabi ahaan deegaanka Qaayib, waxa ayna Galmudug sheegtay in Al Shabaab in muddo ah dhib ku hayeen dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Madaxweynaha Galmudug ayaana amaanay ciidamadii la wareegay deegaanka Qaayib, waxa uuna ku dhiiro galiyay in ay sii wadaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee looga saarayo guud ahaan goobaha ay ka joogaan Galmudug.

War saxaafadeedka Galmudug kasoo baxay ayaa u qornaa sida tan:

Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada xoogga Dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaankaba ay ku xoreeyeen deegaanka Qaayib.

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah saakay u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ee Shabaab.

Qaayiib waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd maxkamad beeneed ay ku dhici jireen hantida dadka shacabka ah.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, asagoona ku dhiiro geliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sidaba inay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -