Yuusuf Dabageed oo isaga oo Tuute xiran saakay tagay Degmada Maxaas (Sawirro)

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo  ayaa saakay gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Socdaalka Madaxweyne Ku Xigeenka oo ay ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa ku qotoma dar dar gilinta howlgalada lagu baacsanayo Al Shabaab ee ka socda deegaanada Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa inta uu joogo degmada Maxaas kulamo kala duwan la qaadanayay maamulka iyo saraakiisha ciidamada ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Al Shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa inta badan ku sugnaa magaalada Baledweyne intii ay socdeen howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana furumaha dagaalka ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -