Wafdi uu horkacayo Iftikhar Ahmed Shahen oo dalka yimid & RW ku xigeenka DF oo..

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda mashruuca xasillinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa wafdigan hogaaminaayo madaxa mashuurca TIS – USAID  Iftikhar Ahmed Shahen.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa ka dhagaystay wafdiga shaqooyinkii ay ka soo qabteen maamul gobaleedyada dalka.

Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyey qorshayaasha xasillinta gobalada dalka shanta sano ee soo socota ka fulin doonto Hay’adu,  iyadoo la waafajin doono qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran.

 

- Advertisement -