War cusub oo ka soo kordhay Xildhibaankii dilka ka geystay doorashada Kenya

Xildhibaan madaxa ka toogtay nin kaaliye u ahaa murashax kale oo uu tartan ka dhexeeyay xilli ay ku sugnaayeen goobta cod-bixinta maalintii doorashada ayaa isku soo dhiibay booliska Kenya.

Didmus Barasa oo laga soo doorto deegaanka Kimilili, uu madaxa ka toogtay ninka kaddib muran ka dhacay goobta ay ka socotay codeynta oo ku taalla magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya.

Ninkan ayaa dib loogu doortay xilka xildhibaannimada kaddib codeyntii doorashada ee 9-kii bishan dhacday. Hase yeeshee waxa loo heystaa dembi dil ah.

Booliska Kenya ayaa ku raad-joogay xildhibaanka tuhmanaha ah oo la raadinayay muddo saddex maalin ah, iyadoo shalay  qareenkiisu codsaday in xariggiisa dib loo dhigo.

Booliska ayaa sheegay in mudanaha uu ka caawinayo baaritaannada ay ku sameynayaan dhacdada uu ku eedeysan yahay oo ah dembi dil ah

 

- Advertisement -