Safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo ka hadashay wiil Soomaali ah oo dalkaas lagu dilay

Safaarada Soomaaliya ku leedahay magaalada Ankara ayaa ka hadashay wiil Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Wiilkan oo kasoo jeeda magaalada Burco magaciisana la odhan jiray Saddaam Cali Jaamac ayaa Muuqaal laga soo duubey Maydkiisa oo Baraha Bulshada ku faafay waxaa uu muujinaya dhaawacyo badan iyo qalliin dheer oo lagu sameeyay.

Ehelladiisa qaarkood ayaa sheegay inay dileen Booliska Turkigu, kadibna geeridiisa kadib xubnaha muhiimka ee jirkiisa ah lagala baxay.

Balse Booliska Turkiga ayaa ku dooday in wiilka ay Koronto ku dhegtay xilli uu ka baxsanayay saldhig uu ku xidhnaa, sida ay sheegeen, kadibna uu geeriyooday, inkastoo qalliinka lagu sameeyay jirkiisu uu tuhun badan keenay.

Qoraal ay safaarada Soomaalida ee Turkey kaga hadashay arrintan ayaa ku bilowday sidatan hoose

Waxaan ku wargelinaynaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada uu ka geeriyooday Maxamed Adan Cali oo ku dhintay magaalada Izmir ee Dalka Turkiga.

Marxuumka oo ahaa nin dhalinyaro ah, qaabka uu u dhintay, oo laga yaabo in dad badani  ku arkeen baraha bulshada ma ahan mid cad. Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga iyadoo aad uga xun geerida muwaadinkaas Soomaaliyeed, waxa ay ku howlantahay sidii ay u ogaan lahayd xaqiiqada dhabta ah ee la xidhiidha geerida Allaha u naxariistee Maxamed Adan Cali.

Si aan u helno xogta saxda ah waxaanu u maraynaa wado kasta oo sharci ah oo aanu ku ogaaneyno xaqiiqada.

Baaristaan oo ay safaaradu bilowday marka ay dhamaato natiijada kasoo baxda waxa aan la wadaagi doonaa dowladda Soomaaliya Iyo ehelada uu ka geeriyooday marxuumka.

Howlwadeenada Safaaradda Soomaaliyeed ee Ankara oo uu ugu horeeyo safiirku Danjire Jama Aidid waxay uga tacsiyaynayaan ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Maxamed Aadan Cali, waxayna illahay uga baryayaan in uu sabir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana u naxariisto una dambi dhaafo.

- Advertisement -