Agaasimaha Wasaaradda ganacsiga oo gudoomiyay Shirkii toddobaadlaha ee Wasaaradda (Sawiro)

Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, ayaa loogga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee hor-tebinta leh, waxyaabahii qabsoomay iyo caqabadaha jira inta ba, waxaana diirada lagu saaray dhinacyada horumarinta ganacsiga, warshadaha, dhiiri-gelinta maal-gashiga iyo weli ba jaan-goynta iyo tayo-dhowrka badeecadaha dalka.

Shirka oo uu guddoomiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Burhaan Iimaan Axmed, Agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda.

Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Burhaan Iimaan, wuxu si gaar ah u soo bandhigay dedaalada ay sameeyeen tan iyo markii ay la wareegeen xilka iyo mas’uuliyadda hay’addaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay inay guulo waaweyn ka gaadheen qorsheyaashii shaqo ee ay hiigsanaayeen sanadkan sidoo kale na ay rajeynayaan in ay gaadhaan guulo kale oo hor leh kuwaas oo wax laga ga qabanaayo tayada badeecadaha dalka si loo ilaaliyo caafimaadka iyo bad-qabka nooloha iyo bii’ada inta ba.

 

- Advertisement -