Dal Muslim ah oo hawada u diray dayax gacmeed iyo Mareykanka oo ka carooday

Iran ayaa sheegtay iney hawada u dirtay gantaal dayax gacmeed sida uu baahiyey Telefishanka qaranka dalkaas.

Lama shaacin xiliga iyo goobta gantaalka laga ganay, balse talaabadan ayaa timid ka dib makrii satellite-ka laga arkay diyaar garow laga sameynayey xarunta dayax gacmeedyada Khomeini ee ku taalla duleedka gobolka Semnan.

Dhowr gantaal oo isla goobtan laga ganay ayaa horay u burburay.

Warbaahinta dawladda ayaa sii daysay sawirro muujinaya markii gantaalku dhulka ka baxayey. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo xiisadda barnaamijka nuclearka ee Iran ay kor u sii kacayso.

Maraykanka oo isha ku haya Iran ayaa ka carooday talaabadan, iyadoo Arrintan ay imanayso ka hor wadahadalada la filayo oo laga yeelanayo barnaamijka nuclearka ee Iran iyo quwadaha caalamka.

Iran ayaa horay u sheegtay inay qorsheynayso tijaabooyin dheeraad ah oo la xiriira gantaalada dayax gacmeedka xambaara, kuwaasoo markii ugu horreysay ay dirtay bilowgii sanadkii hore inkastoo ay burbureen.

- Advertisement -