Maxaad ka taqaan Saddexda Musharax ee ugu cadcad Gudoonka Golaha Shacabka?

Waxaa socota qabanqaabada doorashada Gudoonka labada aqal ee Baarlamanka cusub ee Somalia, iyadoo guddiyada arrintaas loo xilsaaray ay maanta iska dhex doorteen gudoomiyeyaal

Saddex Musharax ayaa illaa hadda ugu cad cad musharaxiinta doorashada gudoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka kuwaasoo dhamaantood ka soo jeeda degaanada K/galbeed Somalia, waxayna kala yihiin

1-Xil. Cabdulahi Aden Axmed (Black)
2-Xil. Shariif Maxamed Cabdalla
3-Xil. Aaden Maxamed Nur (Aaden Madoobe)

Xildhibaan Aadan Madoobe waa nin aan ku cusbeyn gudoonka baarlamanka, wuxuuna horey xilkan u soo qabtay labo jeer waana nin khibrad u leh Maamulka gudoonka rajadiisu aad bey u sareysaa.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla waa nin afgaaban oo inta badan ka gaabsada inuu ka hadlo ama ka dhex muuqdo khilaafaadka arrimaha siyaasada, waxaa uu muddo dheer Somalia wakiil uga ahaa ururka bisha cas ee dalka Imaaraadka waa shaqsi ku caan baxay arrimaha samafalka, hase ahaatee khibradiisa Siyaasadeed aad uma badna rajadiisa inuu xilkan qabto waa meel dhexaad.

Xil. Cabdullahi Aaden Axmed (Black) waa siyaasi muddo ka dhex muuqday siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle, hase ahaatee xilal sare ma soo qabanin, khibradiisa siyaasadeed ma xuma balse rajada laga qabo inuu nodqo Gudoomiyaha golaha shacabka aad bay u hooseysaa inkastoo wax walba ay dhici karaan.

- Advertisement -