Muxuu Deni kala hadlay Xildhibaanadii lagu doortay Boosaaso? (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka JFS ee shalay lagu doortay Boosaaso.

Madaxweynaha oo kulan Qado ah la qaatay Mudaneyaasha  Golaha Shacabka, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay Wuxuuna alle uga baryay in masuuliyaddaasi uu u fududeeyo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Qaar ka mid ah senatarada iyo xildhibaanadii hore loogu doortay Garoowe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Kulakan ayaa dadka qaarkiis ku tilmaameen dhoolatus siyaasadeed, maadaama Deni si weyn loo aaminsan yahay inuun yahay musharax u taagan Madaxweynaha Somalia inkastoo uusan weli ku dhawaaqin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -