Rag qaraxyo ku weeraray saldhigyada Booliska Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen kooxo Weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday Saldhigyada Booliiska qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Afhayeenka Booliiska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Booliiska Wadajir, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere.

“Dhammaan raggii fuliyey weeraradan gacanta ayaa lagu dhigay Warbaahintana waa loo soo bandhigayaa iyadoo ka dibna Maxkamad la soo taagayo” ayuu yiri afhayeenka.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Booliisku ay qabteen todobbo Ruux oo ku eedeysan inay soo weerareen Saldhigyada Booliska, kuwaasoo uu sheegay iney ahaayeen shabakad isku xiran.

- Advertisement -