Jubbaland oo ka deyrisay doorasho ka dhacda Magaalada Garbahaarey (Akhriso)

Kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta golaha fulinta iyo kan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ee kasoo jeeda Gobolka Gedo, ayaa lagu shaaciyey suurta galnimada doorasho ka dhacda deegaanka doorashada 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Shirkan oo laga soo saarey war murtiyeed, ayaa lagu faahfaahiyey sida ay lagama maarmaan u tahay in lagu qabto doorashada xiligeeda, iyagoo haddana xubnahani ay ka deyriyeen xaaladda ay kusugan tahay magaalada Garbahaareey.

Dhanka kale, waxey carabka ku dhufteen in looggu daro waqti dheeraad ah xiliga doorashada, maadaama duruufo adag oo u gaar ah ay heystaan maamulka Jubbaland.

Magaalada Garbahaareey, ayaa ah deegaan doorashada labaad ee maamul goboleedka Jubbaland, iyadoo la qorsheeyey in halkaasi lagu doorto kuraas gaareysa illaa iyo 16.

Maamulka magaalada Garbahaarey ayaan gacanta ugu jirin Jubbaland, waxaana halkaas ka taliyaha ciidamo ka amar qaata DF oo laga diray magaalada Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA KA SOO BAXAY KULANKA..

 

- Advertisement -