Wararkii Ugu Dambeeyay qarxii ka dhacay Muqdisho iyo Booliiska oo ka hadlay

Waxaa saakay isgooska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa ku xiray, waxaana qaraxan kasoo baxaya warar kala duwan.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooska Ceelgaabta oo xilligaasi u xirneed ciidamada ammaanka, waxaana wararku sheegayaan in qaraxa lala beegsaday gaari ay la socdeen qaar kamid ah ergo saakay soo dooratay xildhibaano kamid noqday kuwa gobolada Waqooyi matalaya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxu mar qura dhacay xilli isgooska ay joogeen ciidamo sidoo kale halkaasi marayay gaari bas ah ay la socdeen ergada, waxaana  goobta noqotay meel lagu kala cararo.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Col; Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxu fuliyay qof jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa, waxa uuna ka gaabsaday afhayeenka in uu faah faahiyo bartilmaameedka qaraxaasi.

Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in qaraxa ismiidaaminta ah uu khasaaro kala duwan kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, mana shaacin tirada shimasho iyo midka dhaawac ee qaraxan ka dhashay.

Qaraxyada ismiidaaminta ah ay fulinayaan dadka waxyaabaha qarxa jirkooda kusoo xiraya ayaa mudooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan lala beegsaday masuuliyiin iyo goobo ay ciidamo joogeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -