Guddi uu Rooble u Magacaabay xiisada ka taagan Baladweyne oo shaqadiisa bilaabay

Guddi heer Wasiir ah oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay inay Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala shaqeeyaan dajinta xiisadda iyo xal u helista khilaafka taagan ayaa gaaray magaalada Jowhar.

Waxaa Guddigan hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyadoo ay xubno ka yihiin Wasiirada Amniga, Ganacsiga iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxay la kulmi doonaan Madaxweynaha Hirshabelle iyo waxgaradka ku sugan Jowhar iyagoo ka dibna maalmaha soo soo socda u gudbi doona magaalada Beladweyne

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay dhowaan in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga Dalka.

Ra’iisul Wasaarare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala Shaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -