Puntland oo shaacisay in ay qabaneyso doorashada 10-kursi xili Khilaaf jiro

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Puntland ayaa shaaciyay in ay qabanayaan doorashada 10-kursi oo katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Puntland ayaa lagu soo bandhigay sumadaha 10-ka kursi ay qabanayaan , waxaana kuraastan doorashadooda la filayaa in dhawaan ka bilaabato magaalada Garawe.

Qabashada kuraastan golaha shacabka ee lagu dooranayo magaalada Garawe ayaa imaaneysa xili uu khilaaf xoogan oo doorashada la xariira soo kala dhax galay Farmaajo iyo Rooble iyo sidoo kale guddiga doorashada labada garab u kala jabeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -