Jabhada TPLF oo hal shardi ku xirtay iney joojiso weerarka ku wajahan Addis ababa

Afhayeen jabhada Tigray ee TPLF ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku sii siqi doonaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ilaa dowladdu ay qaaddo go’doominta ay gelisay gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigray.

Getachew Reda ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan nabadda Itoobiya ay tahay ku dhegganaanta Abiy Axmed ee in qaab militari loo xalliyo wax dhibaato siyaasadeed ah.

Waxaa uu sheegay in ujeedkooda augu weyn uusan keliya ahayn Addis Ababa ee uu yahay in Abiy lagu qasbo inuu go’doominta ka qaado dadkooda.

“Waxay u taallaa Abiy inuu haa ama maya dhaha dalabaadkeena, dagaalkana uu soo afjaro,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).

Afhayeenka ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, oo ku sugan Itoobiya si uu u dhexdhexaadiyo labada dhinac inay dagaalka soo afjaraan, uu wada hadalo miro dhalay la yeeshay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael.

Mucaaradka ayaa ku sii siqayay caasimadda, iyadoo dowladdu ay dadka deggan Addis Ababa ugu baaqeysay inay is abaabulaan oo ay is difaacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -