Jabhadda TPLF oo Milatriga Itoobiya ka qabsatay Magaalo Istaraatiiji ah

Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya ayaa Sabtida maanta ah sheegtay inay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie ee gobolka Amhara oo ilaa 385 km woqooyi ka xgtya magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, oo wakaaladda wararka ee Reuters kula hadlay telefoon satellite ah ayaa sheegay in ciidankoodu uu kuwa dowladda ka saaray magaalada Dessie ayna ku sii wajahan yihiin magaalada xigta ee Kombolcha.

Ciidanka TPLF ayuu sheegay iney gacanta ku dhigeen askar ka tirsan ciidamada Ethiopia.

Goob jooge ku sugan magaalada Dessie ayaa Reuters ka soo xigatay inuu arkay ciidamada Ethiopia oo dib uga guranaya magaalada subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah isagoo sheegay in korontadu ay magaalada ka go’an tahay.

La wareegista Dessie ayaa guul istiraajiyadeed u noqoneysa kooxda TPLF dagaalkeeda ka dhanka ah ciidamada dowladda dhexe ee dalkaasi oo isku dayaya in ay jabhadda ka saaraan gobolka Amhara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -