Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha Maaliyadda dalka kadib amarkii uu soo saaray (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta.

Raisul Wasaare Rooble ayaana masuuliyiinta Hay’adaha maaliyadda dalka uu la kulmay faray in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday lagana fogaado wax isdaba marsi xiligan kala guurka ah.

Kulankan uu Raisul Wasaare Rooble la qaatay Wasaarada Maaliyadda ,Bangiga Dhaxe iyo Xisaabiyaha guud ayaa kusoo aadaya xili uu horey usoo saaray Rooble in Lacagaha dowlada aan laga bixin karin Bangiga Dhaxe iyada oon xafiiskiisa ogolaansho looga heysan.

- Advertisement -