Guddoomiye Mursal oo kulan xasaasi ah la qaatay Golaha Musharaxiinta (Sawirro)

Midowga Musharaxiinta ayaa caawa kulan la qaatay Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh caawa saacado yar ka hor 12:00 saqda dhexe oo ku ekaa muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee madaxweyne Farmaajo.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, fashilka ku yimid shirkii Dhuusamareeb iyo qodobo kale.

Waxaa sidoo kale diirada lagu saaray kulanka marxalada u dalku galayo ka dib dhamaanshaha muddo xileedka madaxweynaha dalka iyo talaabada ku haboon ee la qaadayo sida ayb sheegayaan ilo wareedyo ku dhow.

Lama oga illaa hadda waxyaabaha ka soo baxay kulankaas, dhinacyada shirayna wax war ah kama soo saarin.

Dhinaca kale, Waxaa qadka Zoom-ka ku yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Puntland iyo Jubbalandoo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaa shirka ka maqan oo aan qeyb ka aheyn Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Laftagareen oo galabta dib ugu laabtay  Baydhabo iyadoo ka wada hadlay arrimaha siyaasadda dalka iyo xaalada uu dalka geli karo kaddib 8 Febraayo.

Sidoo kale, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wakiilada Beesha Caalamka ay caawa taleefan kula hadleen xubno ka tirsan Musharaxiinta, kana dalbadeen inay dib u dhigaan war ay soo saari lahaayeen caawa saq dhexe, marka muddo xileedka Madaxweynuhu dhamaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -