Chatham House: Kheyre oo Wasiiro, Safiiro iyo Aqoonyahano kala hadlaya Doorashasa Dalka

Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre oo maalinta berri marti ku ah Machadka Siyaasadda Chatham House ayaa si qota dheer uga hadlaya arrima ku xeeran doorashooyinka dalka oo ay kamid dib-u-dhaca doorashada, xilli maalma kooban ay ka harsanyihiin xil heynta madaxweynaha dalka, walina aan go’aan rasmi ah laga gaarin hannaanka loo qabanayo doorashooyin loo dhanyahay oo xor iyo xalaal ah.

Kulanka oo sababo la xariira saameynta COVID19 darteed ku qabsoomaya aaladaha la iska arko, ayaa waxaa ka qeyb gelaya 500 oo qof oo ay qeyb ka yihiin safiirrada caalamka ee Soomaaliya, wasaarahada arrimaha dibadda ee wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, aqoonyahanno, mas’uuliyiin ka socda hey’adado caalamiga ah iyo wariyaal waaweyn. Su’aalo ayuna uga jawaabi doonaa mudda saacad ah ee madasha uu martida ku yahay.

Khayre ayaa la filayaa inuu soo bandhigo firkado iyo tusaalooyin muhiim u ah hagidda doorashooyinka dalka si loogu guuleysto dadaallada joogteynta dhaqan siyaasadeedka ay Soomaaliya ay caanka ku aheyd ee dimuquraadiyadda iyo awood isku wareejinta dalka oo si nabad ah u dhacda.

Machadka Siyaasadda Chatham House oo London lagu aasaasay sannadkii 1920 ayaa Dersa arrimaha caalamiga, waxuuna bulshooyinka iyo dowladaha ka caawiya fahamka dhabta ah iyo sameynta isbedel dhaxal gal ah, Waxuuna sameeyay cilmi baarisyo, warbixinno, fikrado iyo talooyin siyaasadeed qeyb ka qaadanaya xal ka gaaridda caqabadaha dunidu ay wajaheyso.

Chatham House ayaa qabta munaasabado fursad lagu siinayo hoggamiyaasha caalamka, saameeyayaasha siyaasadda iyo aqoon-yahanka, waxaana kulamada uu qabto la isku dhaafsadaa fikado, si loo dhiso isfaham wanaagasan oo dhaliya isbedel togan, waxaana Hadafyadeeda ugu waaweyn ay yihiin suurta gelinta dhismaha bulsho wadajirta, oo heysata nabad waarta.

Chatham House ayaa sannado badan sameyneyay falanqeyn madax bannaan, wadahadallo la aamini karo, iyo fikrado saameyn ku yeeshay dunida, waxuuna qeyb ka qaataa raadinta xalka caqabadaha adduunyada iyo awoodeynta jiilka soo koraya si ay dunida isbedel uga dhaliyaan

Shabakada Allbanaadir Onilne
London-UK
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -