Golaha Musharaxiinta oo Magacaabay Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka dalka

Golaha Musharaxiinta oo maanta kulan iskugu yimid magaalada Muqdisho ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka dalka oo ka kooban 28 xubnood.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in guddigan uu ka shaqeynayo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Magacaabista guddigan ayaa ku soo beegantay xili maanta Guddiga doorashada heer federaal ee DF magacowday ay doorteen guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa ka dib kulan ka dhacay hotelka Decale.

Dhinaca kale Afhayeenka Midowga Musharrixiinta ayaa sheegay  in sidoo kale shirkii maanta walaac looga muujiyeen waxyaabo badan oo dalka ka jira kuwaasoo ay ugu horreeyan qalqalka siyaasadeed ee ka jira maamul goboleedyada qaar sida Hirshabelle Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -