Dagaalka gobolka Tigray: Dad kor u dhaafaya 600 oo hal goob lagu xasuuqay

Hay’adda xuquuqda aadanaha Ethiopia ayaa sheegtay  in Koox dhallinyaro ah gacan ka helayey booliska ay ugu yaraan 600 oo qof ku dileen waqooyiga gobolka Tigray 9-kii November.

Xasuuqan ka dhacay magaalada Mai-Kadra, ayaa ah weerarkii ugu xumaa ee shacabka loo gaysto inta uu socdo dagaalka gobolka ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Amnesty International ayaa horey u sheegtay in 9-kii November magaalada Mai-Kadra lagu dilay tobanaan ama boqolaal qof oo la mindiyeeyey kadib markii garbo duub loo xiray.

Hase yeeshee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey dhacdadan, waxayna ku eedeeyeen koox dhallinyaro Tigray ah oo lagu magacaabo Samri inay beegsadeen shaqaalaha aan Tigrayga ahayn ee ka howlgalo beero ku yaalla gobolka.

EHRC waxay ku xiran tahay dowladda, balse waa guddi madax-banaan waxaana hoggaamiya Daniel Bekele oo uu magacaabay Abiy Ahmed.

QM iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay baaritaan dhex-dhexaad ah oo lagu sameeyo waxa dhab ahaan dhacay.

Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya ayaa iska fogeysay iney wax lug ah ku leedahay xasuuqaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -