Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay qaraxii Kismaayo & Geeridii Shaafi Raabi

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allah u Naxariistee Guddoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin iyo dadkii kale ee ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Waxaa Madaxweynahu uu Allah uga baryayaa inuu Naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana dadka dhaawaca ah uu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaafi Raabi Kaahin uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo shaqeeyay awood walba oo karaankiisa ah isla markaana la soo qaybsaday duruufo adag isagoo maanta naftiisa ku waayay u khidmaynta shacabka sida uu yiri.

Wuxuu xusay Madaxweynahu in dhagarta wax uu ugu yeeray Argagixisada iyo nacaybka ay u qabaan dadka Muslimka ah ay cadayn dhab ah u tahay sida ay maanta dadka Shacabka iyo Masuuliyiinta kasoo baxay Salaada Jimcaha ugu beegsadeen afaafka hore ee baydka Ilaahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -