Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Dhambaal tacsi ah u diray Gudoomiyaha golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdirixmaan geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Adeerkii Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, Samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan ehelada, qoyska iyo qarabaada uu ka tagay.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan idinla qeybsanayaa murugada geerida Adeer Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan dhammaan ehelada iyo qoyska uu ka tagay Alle uga baryayaa in uu Samir iyo iimaan idin ka siiyo, gaar ahaan Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh. Marxuumka Alle ha u danbi dhaafo, hooygiisana haka yeelo Jannatul firdows.

 

Related posts

Diblomaasi ka faallooda arrimaha geeska Afrika oo shaki Weyn ka muujiyay Kulankii Nairobi

admin

Al Shabaab oo weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday Saakay ku qaaday degmada Balcad

Cabdi Cade

Hoyga Netanyahu oo laga kala cararay Markii lagu arkay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---