Maxaa ka jira in Fahad Yaasiin iyo xubno kale ay fashilanayaan Shirka Dhuusamareeb?

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayey oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay cadaadis ku hayaan rag ka mid ah siyaasiyiinta taageersan oo ku boorinaya inuusan aqbalin doorasho dadban.

Warar madax banaan oo isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu debecsanaan ka muujiyey shirka isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada uga socda Dhuusamareeb, uuna ogolaaday in doorasho dadban ay dalka ka dhacdo, hase ahaatee uu dib uga laabtay arrintaas ka dib markii ay qadka telefanka kula soo xiriireen masuuliyiin uu ka mid yahay taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo uu sheegay in hadii uu doorasho dadban ogolaado uusan mar kale ku soo laaban doonin xilka, ayna haboon tahay inuu ku dheganaado mowfkiisii ahaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in arintan ay muujinayso sida la taliyeyaasha Farmaajo ay u marin habaabinayaan Madaxweynaha, isagoo xusay in talooyinka ay siinayaan ay yihiin kuwo uusan khasaare mooyee wax kale ka faa’iidi doonin.

Qoraal uu bogiisa facebook soo dhigay C/raxmaan C/shakuur ayuu arrintan kaga hadlay kaasoo sidan u qornaa:-

Taageerayaashu kol kol bay madaxda bohol ka ridaan, iyagoo cabsi gelinaya, tusayana guuldaro siyaasadeed. Sidan oo kale ayey sanadkii 2015 dooddi dhexmartay Goodluck Jonathan oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria iyo taageerayaashiisa. Waxay ku qalqal geliyeen in uusan guul ka keenaynin doorashada, sidaa darteedna uu dib u dhigo, laakiin kama yeelin. Waa laga guulaystay, laakiin maanta mudnaan iyo qadarin ayuu ku dhex leeyahay bulshada iyo Dowladda Nigeria.

Waxaan xog ku haynaa in rag uu madaxweynuhu ku kalsoonyahay ay ku cadaadinayaan in uusan aqbalin go’aanka inta kale isku raacsan yihiin oo uu markii hore u dabacsanaa, iyagoo tusaya sawir mugdi ah oo mustaqbalkiisa doorasho la xariira. Waxey kula talinayaan mar uun meesha ka soo lug bax, xili kale dib ha loo balamo, kaddibna sidii shirkii Somalia iyo Somaliland ee maalin dhowayd Jabuuti lagu qabtay ee labada toddobaad loo ballamay yaan dib la isugu soo laaban.

Madaxweynaha isagaa la doortay, kuwa taleefanka u soo diraya lama dooran, masuuliyaduna isaga ayey saaran tahay, waa in uu go’aan geesinimo leh qaato. Waa in uu tixgeliyaa madaxweynaha martida loo yahay iyo shacabka Galmudug oo ku dhowaad kun qof jeebkooda maalmo badan ka marti geliyey.

Madaxweyne go’aan aad berri aqbali doontid, maanta libintiisa ha u diiidin hoggaanka iyo shacabka Galmudug. Madaxda iyo shacabka Galmudug ma aha in ay aqbalaan in daddaalkoodii uu noqdo hal bacaad lagu lisay oo go’aan la’aan shirka lagu kala tago.

Masuuliyiinta kalena ma aha in ay aqbalaan in go’aan la‘aan shirka lagu kala dareero. Go’aan waa in hadda la qaato, waxa la isugu soo laabanayana ay noqdaan fulin iyo farsamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -