Xisbiga Midnimo Qaran oo xusay Sanad guuradisii Lixaad (Daawo Sawirada)

Xaflad si Heer Sare ah loo soo agaasimey islamarkaana lagu Xusayey Sannad Guurradii 6 –aad ee ka soo Wareegtey Aas-Aaaskii Xisbiga Midnimo Qaran ayaa waxaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho, waxaa ka qayb galey Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal , Wasiiro , Madaxda Xisbiyada ka dhisan Dalka , Bulshada rayidka, Odayaal, Culimau’diin iyo Marti sharaf lagu Casuumey Munaasbadaas .

Ugu Horeeyn Waxaa Munaasabadaas ka hadley Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran ee Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Shiikh waxaana uu sheegey in Bulshada ku nool Goboka Banadir ay diyaar u yihiin in ay ka mid noqdaan Xisbigaas oo ay sheegeen in uu yahay Xisbi u taagan yahay midnimada Soomaaliya

Waxaa kaloo Munaasbadaas ka hadley Gudoomiyaha Haweenka ee Xisbiga Midnimo Qaran Shiikha Cali Saciid waxayna sheegtey in Haweenka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin Xisbiga isla markaana waxay sheegtey in Xisbiga Qayb libaax laga siiyo Haweenka

Munaasbaadaas Waxaa kala hadley Xubno ka tirsan Xisbiyada dalka ka jira oo ay ka mid yihiin Xisbiga Jamhuuriga, Xisbiga SNU, Samadoon, Talo Wadaag iyo Garsoor waxayn dhamaatood sheegeen in Xisbiga Midnimo Qaran uu yahay Xisbi ay u dhameystiran yihIin wixii Xisbi looga baahnaa waxayna soo dhaweeyeen ansaxinta Sharciga Doorashooyinka.

Munaasabadaas waxaa ka hadley Gudoomiyaha Xarunta Tala bixin Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari waxaana uu soo dhaweeyeen intii isku soo dubaridey Xafladda Sannad Guurada Lixaad Xisbiga Midnim Qaran isagoo sheegey in Xisbigaan uu ka duwan yahay Xisbiyada kale ee Dalkaka jira maadaama uu wato astaantii Midnimada Soomaaliyeed

Sanater Cabdi Kaafi oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka oo isna halkaas ka hadley ayaa sheegey in Xisbiga Midnimo Qaran uu yahay Xisbi Baaxad weyn isagoo hoosta ka xariiqey in Xisbiga uu buuxiyey Sharuudihii looga baahnaa Xisbi wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay ku biiraan Xisbigaas

Ducaale Aadan Maxamed oo hore u soo noqdey Wasiirka Tacliinta Sare ayaa mar uu ka hadley Xafladaas ayaa yiri “Xisbi waa midka leh han Siyaasadeed, Shuruuc iyo wada tashi marka ilama haboona in Xisbiga uu ka leexdo wixii loo aas aasey sidaa darteed maalin waliba waxaan maqalnaa Madax Xisbi oo dagaal afka kula jira Nidaamkii Dowladda”

Ibraahim Seyfulaahi oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Midnimo Qaran oo ka Hadley Xafladaas ayaa ka warbixiyey Xaaladihii uu soo marey Xisbiga Midnimo Qaran gaar ahaan Lixdii Sanno ee uu Xisbiga uu dhisnaa, wuxuuna sheegey in Xisbiga uu u diyaargaroobayo Doorashada soo socota maadaama la ansaxiyey Sharcigii doorashooyinka

Ugu Dambeyn waxaa Munaasabadaas lagu Xusayey Sannad Guurada 6-aad ee Xisbiga ka Hadley Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran Cabdirisaaq Cabdulaahi Waaberi waxaa uu u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Xaflada isagoo sheegey in ujeedka Xisbiga uu yahay sidii dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod sidaa darteed maanta waxaa muuqda ifafaalhaas maadaama dhawaan la ansaxiyey Sharcigii doorashooyinka wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay ku soo biiraan Xisbigaan, iyadoo intii ay socotey Munaasabadaas waxaa Heeso Wadani ah ka qaadey Kooxda Hilowle oo ay hor kacaysey Fanaanada weyn Muslimo Qaasimo Hilowle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -