Faahfaahin: Ciidamada dowlada oo galabta dil fool xun ka geystay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil fool xun oo galabta askar ka tirsan ciidamada dowladu kula kaceen wiil ka mid ah dhalinyarada ku xamaasha mooto bajaajka oo magaciisa la oran jiray Xuseen Cali Bacadle (Dirir).

Falkan ayaa ka dhacay galabta agagaarka isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ka dib markii askar gadaal ka saarneyd gaari nooca Soomaalidu u taqaan Qooqan oo wadada marayey ay rasaas si bareer ah ugu fureen wiilkan bajaajka watay oo aan waxba galabsan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in illaa shan xabadood oo darandoori ah lagu furay wiilkan taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo, lamana oga illaa hadda sababta ay wiilkan u dileen iyo waxa ku xambaaray.

Gaarigii ay la socdeen askarta dilka geysatay ayaan joogsan kana baxsaday goobta, lamana aqoonsan, waxaana meydka wiilkan la geeyey xarunta dembi baarista Booliska ee CID, iyadoo saraakiisha xaruntaas ku sugneyd ay sheegeen iney baaritaan iyo dabagal ku sameyn doonaan askarta falkan geysatay, si loo soo qabto sharcigana loo soo taago inkastoo aysan ku guuleysan weli.

Arintan oo illaa galabta si weyn looga hadal hayo magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga xumaaday shacabka caasimada oo fal waxashnimo ah ku tilmaamay in askar dowladeed ay dil bareer ah u geystaan qof muwaadin ah kana cararaan.

“Arrin noocan ah maaha wax la aqbali karo, waa fal fool xun, waxaan ugu baaqaynaa madaxda dowlada iyo saraakiisha amaanka iney baaritaan ku sameeyaan dhacdadan, soona qabtaan askartii ka dambeysay si cadaalada loo mariyo” ayuu yiri oday ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa dhacdadan oo si weyn u careysnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -