Masuuliyiin Caawa lagu xir xiray magaalada Hargeysa iyo Xiisad siyaasadeed oo taagan

Wararka caawa ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya halkaasi ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay banaan bax uu ku baaqay Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka ee Wadani.

Ciidamada booliiska ayaa caawa lagu daadiyay magaalada Hargeysa, waxaana ciidamada si gaar ah loo dhigay xarunta Xisbiga mucaaradka Wadani oo ku baaqay in beri Hargeyso ka dhigaan banaan baxyo.

Taliyaha ciidamada Booliska maamulka Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ayaa Warbaahinta u sheegay in la mamnuucay in banaan baxyo magaalada Hargeysa ka dhigaan xisbiga Wadani.

Dhinaca kale ciidamada Booliiska Somaliland ayaa caawa xabsiga dhigay afhayeenkii Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi kadib howlgal ay ciidanka ka fuliyeen Hargeysa.

Xiisad siyaasadeed iyo xaalad kacsanaan ah ayaa caawa laga dareemayaa magaalada Hargeysa, waxaana magaalada lagu dhax arkayaa ciidamo badan oo si weyn u xaqiijinaya amaanka.

Magaalada Hargeysa xiisada caawa ka taagan ayaa ka dambeesay kadib banaan bax uu  ku baaqay in ay isugu soo baxaan  taageerayaashooda Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -