Siyaasi caan ah oo codsaday in Qaraxii Soobe aan lagu tilmaamin Musiibo Qaran .

Siyaasiga Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa ka hadlay labo sano guuradii kasoo wareegtay qaraxii dadka badan lagu laayay ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgooska Soobe.

Qoraal uu soo saaray Siyaasigan ayuu ku codsaday in qaraxii Soobe ee dadka badan lagu laayay aan lagu tilmaamin musiibo qaran balse lagu tilmaamo Xasuuq, waxa uuna musiibo ku tilmaamay dhibaatada ka dhalata Dhul gariir ,duufaan iyo daadadka.

”Aan ka dayno afkeena in aan ugu yeerno “Musiibo Qaran” sababtoo ah musiibadu waa wax gacanta bani’aadamka ka baxsan sida; daadka, duufaanta, dhulgariirka, IWM. Wixii nagu dhacay 14 Oktoobar waxey ahaayeen “ xasuuq” uu cadaw dagaal soo qaaday gaystay, ” Ayuu yiri CC Warsame.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdirashiid in la lumiyay fursad lagu mideyn karay shacabka, lagu abaabuli karay kadib qaraxii Soobe, waxa uuna xusay in ay isku raacday dadka Soomaaliyeed xanuunkii xasuuqa iyo fursadii arguudashada oo luntay.

”Xasuuqa 14 Oktoobar wuxuu reebay xusuus mahadho ah oo dhawaacday dareenka shacabka, tustayna cadowtooyada, gacal iyo arxan la’aan, diin iyo damiir la’aanta ah ee Al-Shabaab, dhinaca kale, waxey curisay dareen Soomaalinimo markii aad ka eegto sida Soomaali oo idil dal iyo dibad uga falceliyeen. Gurmad, gargaar, garab istaag, duco iyo dareen muujinba intaba. In kasta ay xanuun badnayd, haddana waxay aheyd fursad lagu mideyn karay shacabka, lagu abaabuli karay, loogana aargudan karay cadawgii xasuuqa gaystay. Waxaa isku kaaya raacay xanuunkii xasuuqa iyo fursadii arguudashada oo naga luntay” ayuu yiri Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xasuusta waxyeeladii la dhalatay Qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe 14-kii Ocotober 2017-dii ayaan wali ka bixin quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana qaraxaasi ku dhintay boqolaal qof oo shacab ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -