Gabar Dhalinyaro oo xalay si arxan daro ah loogu dilay magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay dhalinyaro aan heebtooa la aqoonsan si arxan daro ah magaaladaasi ugu dileen gabar dhalinyaro ah oo kamid aheyd dadka deegaanka.

Sida aan wararka ku helnay Nimco Cumar Shire (Xuuray) ayaa xaafada Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ay maamusho Puntland toorey lagu dilay xili ay kasoo baxday masjid ay kusoo dukatay salaada taraawiixda.

Raga dilka geestay ayaa la sheegay in gabadha toorey dbuunta ka galiyeem iyadoona gabadha u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray, waxaana baxsaday dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa saakay wada howlgalo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geestay Nimco Cumar, walina lama oga cida dishay ganadhaasi iyo waliba ujeedka ay u dileen.

Dhacdan xalay ka dhacday Waqooyiga magaalada Gaalkaco ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, waxa ayna arintan cabsi badan ku beertay gabdha ku dhaqan magaaladaasi ee aadi jiray salaada taraawiixda iyo sidoo kale banaanka.

 

- Advertisement -