Maxay Dowlada Somalia ka tiri Guddiga doorasho ee Musharaxiintu Magacaabeen?

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo maanta ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney fowdo siyaaadeed wadaan musharaxiinta Madaxweyne ee maalmihii u dambeeyay ku shirsanaa magaalada Muqdisho

Dubbe ayaa sheegay in shirarka musharaxiinta aysan wax macno leh soo kordhineyn, isagoo guddigii badbaadada doorashooyinka ee ay shalay magacaabeena ku tilmaamay wax uu ugu yeeray ciyaar ciyaar.

“Miyaanay ahayn xarako iyo la yaab Nin weyn oo darajooyinkii dalka ugu sarreeyay soo qabtay oo leh anoo suuqa jooga ayaan guddi magaacabayaa” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Golaha Musharaxiinta ayaa shalay magacabay Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka dalka oo ka kooban 28 xubnood, kuwaasoo aysan sheegin illaa hadda waxyaabaha ay qaban doonaan.

Dad badan ayaa walaac ka muujiyey guddiyada iska soo horjeeda ee ay magacaabeen DF iyo mucaaradka, waxayna arrintani sababi kartaa in dalku lugaha la galo qalalaase siyaasadeed oo ugu dambeyn amni daro abuuri kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -