Yaa bixiyey amarkii lagu weeraray hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi?

Kooxda Sirdoonka SITE ee ku caan baxday inay dabagalka Kooxaha Islaamiyiinta ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay weerarkii bishii hore lagu qaaday hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Weerarkan oo ay fuliyeen dabley ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa lagu dilay dad ku dhow 20 ruux oo ay ku jiraan reer galbeed.

Kooxdan SITE oo fadhigeeda Dhexe ku yaalo dalka Maraykanka ayaa waxay sheegtay in Hoggaamiyaha Alqaacida, Ayman Al-zawaahiri uu bixiyey Amarka lagu weeraray Hotelka Dusit D2 ee Nairobi.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ayman Al-zawaahiri si toos ah ugu baaqay Alshabaab inay weeraraan danaha Reer Galbeed, si looga fal-celiyo hadalkii Donald Trump uu ku sheegay inay magaaladda Barakaysan ee Qudus-ta La-tahay tahay y caasimadda Yuhuudda.

Dhinaca kale, Hotelka Dusit ayaa la sheegay in dib loo furi doono bisha June ee sannadkan sida uu daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi.

Maareeyaha Hotelka, Micheal Metkas waxaa uu shaaciyey inay u diyaar garoobeen sidii Hotelka uu mar kale u howlgeli lahaa loona adkeyn lahaa amnigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com