Walaac xoogan oo lasoo darsay Gaas iyo Axmed Madoobe iyo Sababta keentay ?

Madaxda Maamul goboleedyada waqtigoodu sii dhamaanayo ee Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa lasoo darsay walaac xoogan oo ku aadan in mar kale dib ugu soo laabtaan masraxa siyaasada iyo talada maamulada ay hada hayaan.

Labada Maamul waxaa dhawaan la filayaa in ay ka dhacaan doorashooyin, waxaana doorsahooyinka sanadkan ka dhacaya Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay yihii  kuwa adag oo ka duwan kuwii hore.

Hogaamiyaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hada waxaa lasoo darsay walaac xoogan , waxa ayna labadan masuul ka cabsi qabaan in masraxa siyaaada laga saaro sida ku dhacday saaxiibkood Shariif Xasan.

Walaaca ugu xoogan ee hada labadan Madaxweyne lasoo darsay ayaa ah in dowlada Federaalka oo ay la dagaaleen in ay taageero dhaqaale iyo garab istaag siiso qaar kamid ah musharaxiinta la tartameysa si meesha looga saaro.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka fekereyso musharaxiin gaar ah ay ku taageerto doorashooyinka labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland si meesha looga saaro labada Hogaamiye ee hada ka taliya maamuladaasi.

Sida aan xogo ku helnay Dowlada federaalka ayaa dadaalka ugu badan ku bixin doonta kadib doorashada Koonfur Galbeed Doorashooyinka kale ee ka dhacaya maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Mustaqbalka dambe iyo soo noqonashada Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa ku xirnaan doonta sida ay hada u helaan maamulada dalka ka jira, waxaana fududaan doonta in Kooxda Farmaajo soo laabtaan hadii xubno ay wataan qabsadaan talada Maamulada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa caqabad badan ku hayay dowlada federaalka Soomaaliya, dowlada ayaana hada heesata fursada ugu fiican ee labada hogaamiye ee dhibay meesha uga saari karto kuna heli karto dad u dhaga nugul.

Doorashooyinka Puntland iyo Jubbaland ka dhacaya hadii ay mar kale ku guuleestaan Madaxda waqtigoodu dhamaaday ee Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa dowlada waxa ay ku noqon doonta fashil iyo guul daro dowlada Farmaajo.

Madaxda Puntland , K/ Galbeed iyo Jubbaland ayaa caqabad weyn ku hayay dowlada dhaxe, waxa ayna Madaxdan sameesteen isbaheysi markii dambe dowlada siyaasad ku bur burisay, waxa ayna dowlada hada fursad u heesataa in dhamaan meesha kawada saarto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com