Raisul wasaare Khayre oo balanqaad dhaqaale ka helay dowlada Saudia Arabia

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dalka dib ugu soo laabtay maanta, ka dib markii uu soo dhameystay booqasho labo cisho qaadatay booqasho rasmi ah uu ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Sacuudiga waxay kulamo la qaateen Boqorka dalkaasi Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugahiisa Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha ganacsiga, fursadaha maalgashi ee dalka ka jira iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Raisul Wasaaraha ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa ku soo cumreystay Xaramka barakaysan.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ahaa wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalkii wafdiga, isagoo sheegay in si heer sare Sacuudiga loogu soo dhoweeyay.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa intaas ku daray in balanqaad taageero ay ka heleen Sacuudiga, kadib markii ay uga xog warameen xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ay sameyneyso xukuumadda oo Ra’iisal wasaare Kheyre uu warbixin ka siiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

.