Wednesday, November 29, 2023
Home Blog Page 93

Xamaas oo dagaalyahano cusub gelisay Israel iyo dagaalka oo sii kululaaday

Duqaymo dhanka cirka ah oo ay Israel xalay iyo saaka ka fuliyeen Qaza ayaa waxay ku dileen 4 lahaysteyaal ah oo ay kooxda Xamaas haysteen sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdaasi.

Si dhab ah looma oga tirada dadka ay gacanta ku hayaan Xamaas, kuwaasoo lagu qafaashay Israa’iil, balse waxaa la sheegayaa iney ka badan yihiin ilaa 100 qof.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 511 qof ay ku dhinteen, 2,750 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib gantaallada Israa’iil ay ku garaacday marinka Qaza tan iyo Sabtidii, iyadoo geerida gudaha Israel ay haatan ku dhow dahay 1000 qof.

Israa’iil ayaa sheegtay inay duqaynayso bartilmaameedyada Xamaas ee Gaza ka dib weerar aan hore loo arag oo Sabtidii lagu qaaday shacabka Israa’iil iyo isbahaysigooda oo ay geysteen dabley Falastiiniyiin ah oo ka soo galay deegaanka, iyagoo rasaas ku furay waddooyinka iyo bulshada dhexdeeda.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in go’doomin buuxda lagu sameeyo marinka Qasa: Koranto la’aan, cunto la’aan iyo shidaal la’aan.

Israel ayaa maamushaa hawada sare ee Qasa iyo xeebteeda, waxayna xaddiddaa cidda iyo badeecadaha la soo galinayo xuduudaheeda.

Dhinaca kale, Boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Xamaas ayaa la soo sheegayaa iney maanta mar kale saaka ka talaabeen xadka Gaza, iyagoo xoojinaya saaxiibadood ka dagaalamaya gudaha Israel.

Dhacdo kale, Afar ka mid ah askarta Israel ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn dhexmartay isla koox kale oo ka mid ah ciidamadooda.

Israsaaseynta ayaa ka dhacay meel u dhow xadka Lebanon ay la wadaagto Israel, halkaasoo ay xiisad ka taagan tahay.

War kasoo baxay Israel ayaa lagu sheegay in ciidamada saldhigoodu yahay Shtula ay xabad ku fureen gaari ciidan oo ku socday si dheereysa isla markaas kasoo gudbay goob lagu hubiyo gawaarida.

Waxa uu shilkan dhacay aroortii maanta waxaana dib laga ogaaday in gaariga uu yahay mid ay leeyihiin militariga Mareykanka, iyadoo ay halkaas ku dhaawacmeen afar askari oo saarneyd.

- Advertisement -

Soomaaliya iyo Uganda oo iska kaashanaya afar dhinac oo labada dal Muhiim u ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Is-dhexgalka gobolka John Mulimba.

Labada masuul ayaa kulankooda waxa ay uga  wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya, gaar ahaan  dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isagoo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka , John Mulimba ayaa dhankiisa sheegay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay PirkkaTapiola (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo Xariirka labada dal ka dhaxeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Finland taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dadka ku nool goobaha la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono, maadaama ay Khawaarijtu dadkaas u diidanayd muddo dheer wax horumar iyo adeeg bulsho ah.

Dhankiisa Danjire Tapiola ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxuuna tilmaamay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Iran: “Maraykanka ma awoodaan inay Israel ka badbaadiyaan Duufaanta Al-Aqsa”

Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran ayaa si kulul uga hor timid taageerada milliteri oo ay dowladda Maraykanka la garab taagan yihiin maamulka Israel oo ay ku socdaan Dagaalka kooxda gobannimo doonka ah ee Xamaas.

Taliyaha ciiddanka ilaalada Kacaanka Iran , Sareeye Gaas Xuseen Salami ayaa xaqiijiyey inaysan Israel sii ahaan doonin siday horey ahaan jirtay, isla markaana uu dhamaaday xilligii cabsida iyo haysashada Israel.

Waxa uu boggaadiyey taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran geesiyaasha Falastiin ee casharka u dhigay Askarta Sahyuuniyada Israel, isla markaana cabsi la’aan gacanta ugu dhigeen askar iyo dad badan oo Yahuud.

“Waxaan u hambalyeynayaa hawlgalka duufaanta Al-Aqsa ee kooxaha mukhaawamada Falastiin ee khasaaraha culus u geystay Israel” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran (I Sareeye Gaas Xuseen Salami .

Waxa kale oo uu xusay inaysan Maraykanka awoodin doonin inay Israel sii badbaadiyaan, oo Xilligan ka Tabar yar sidii ay ahaan jireen.

Dhanka kale, Taliyaha Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran waxa uu hoosta ka xariiqay inuu Allaah SWT lafdhabar u yahay Mukhaawamada iyo inay Awooda Israel hoos u dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -

Shiinaha oo jawaab aysan ku farxin Israel ka bixiyey weerarkii Xamas

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa Axaddii ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israel, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mowqif la mid ah kan Ruushka.

“Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada ay khuseyso inay is dejiyaan, is-xakameeyaan, oo ay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loogana fogaado in xaaladda ay sii xumaato,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

“Habka aasaasiga ah ee looga bixi karo dagaalka waa in la hirgeliyo xal labada waddan, iyo in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiin ay leedahay,” ayuu sii raaciyay afhayeenka.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Israel ee Biejing ayaa barta X ku qoray in Israel ay ka fileysay China cambaareyn xooggan oo ka dhan ah Xamas.

“Marka dadka la dilayo, lagu gowracayo waddooyinka, ma ahan xilligii lagu baaqi lahaa xal laba dowladood ah,” waxaa sidaas weriyayaasha Axaddii u sheegay Yuval Waks oo ah sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Israel ee Beijing.

Shiinaha uma aqoonsano Xamas urur argagixiso, balse wuxuu u arkaa urur iska caabin.

Safaaradda Israel ee Shiinaha ayaa sidoo kale ugu baaqday Beijing inay is-garab taagto Israel.

“Waxaan sidoo kale rajeyneynaa in Shiinuhu uu taageero iyo garab istaag u fidiyo Israel xilligan adag,” ayay safaaradda ku qortay barteeda X.

Xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Israel ayaa si weyn u ballaartay 30-kii sano ee lasoo dhaafay tan iyo markii ay labada dal sameysteen xiriir diblomaasi sannadkii 1992-kii, inkasta oo khilaaf siyaasadeed uu taagnaa.

Khilaafyada ayaa waxaa ka mid ah kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimaha Falastiiniyiinta la xiriira, xiriirka Shiinaha uu la leeyahay cadawga Israel, sida Iran, iyo welwelka la xiriira amniga ee Israel ee ku saabsan wareejinta teknolojiyadda gaarka ah ee Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Weerar lagu qaaday Guri uu degan yahay Xildhibaan katirsan BF iyo khasaaro ka dhashay

Weerar hoobiyaal loo adeegsaday ayaa saakay lagu qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay xildhibaan katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay hoobiye ayaa kusoo dhacay guri uu degmada Dharkeenley ka degan yahay xildhibaan Maxamed Keerow oo kamid ah xildhibaannada laga soo doortay deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Hoobiyaha ku dhacay guriga xildhibaanka ayaa sababay geerida wiil uu dhalay oo lagu magacaabayay Maxamuud Maxamed Keerow, waxaa sidoo kale hoobiyaha ku dhaawacmay wiil kale uu adeer u yahay xildhibaanka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in hoobiye kale oo ku dhacay guriga xildhibaanka mid ku dhegan in uu isna dhaliyay khasaaro, waxaana guriga xildhibaanka ee hoobiyaha lagu weeraray gaaray ciidamo katirsan dowladda .

Dadka xaafada ayaana u gurmaday guriga xildhibaanka iyo dadka kale ee dariska la ahaa ee hoobiyayaasha lagu weeraray, waxaana xaafada dhibka ka dhacay laga dareemay xaalad adag iyo khal khal dhinaca ammaanka ah.

Hoobiyaashan kusoo dhacay xaafada Dharkeenley ayaan la ogeyn halka laga soo tuuray, waxa uuna weerarkan imaanaya xilli isbuucii hore sidaan oo kale hoobiye ugu oo dhacay xaafado katirsan degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Dagaalka Xamaas iyo Israel oo ka socda 7 aag iyo Israel oo duqeysay guriga Ruhi Mashtaa

FILE PHOTO: Flames and smoke rise during Israeli air strikes amid a flare-up of Israel-Palestinian violence, in the southern Gaza Strip May 11, 2021. REUTERS/Ibraheem Abu Mustafa

Milatariga Israel ayaa war ay soo saareen saakay ku sheegay in ay duqeeyeen boqollaal bartilmaameedyo ah oo Xamaas iyo Islamic Jihad ku leeyihiin marinka Qaza , waxa ayna Israel sheegeen in weerarkooda jawaab u yahay weerarkii Xamaas kusoo qaaday.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Israel iyo xoogaga jihaadiga ee Xamaas ayaana wali ka socda deegaanno kamid ah dhulka ay Israel xoogga ku heesato iyo sidoo kale xadka Gaza la wadaago dhulka Idrael heesato.

Afhayeen u hadlay militariga Israel ayaa sheegay in dagaal xooggan uu ka socdo todobo ama sideed goobood oo u dhow marinka Gaza, laba maalmood ka dib markii rag hubaysan oo ka tirsan kooxda islaamiga ah ee Xamaas ay dileen dad ka badan 700 oo Israa’iiliyiin ah.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in ay beegsadeen in ka badan 500 oo ah bartilmaameedyada Xamaas iyo Islamic Jihaad ku leeyihiin Marinka Gaza , waxa ayna sheegeen in goobaha ay beegsadeen ay ka mid yihiin xarumaha taliska Xamaas iyo Islamic Jihad iyo guriga uu degan yahay sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo lagu magacaabo Ruhi Mashtaa oo ay ku leedeeyeen inuu uu ka dambeeyay weerarkii Xamaas kusoo qaadeen.

Weerarkii kooxda Xamaas Sabtidii ku qaadeen dhulka Yahuuda xoogga ku heesato ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado dhulka Israel xoogga ku heesato tan iyo weeraradii Masar iyo Suuriya ee dagaalkii Yom Kippur ee dhacay 50 sano ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Dowladda oo Shaacisay Khasaaro xooggan oo lagu gaarsiiyay Al Shabaab weerar xalay dhacay

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkan uu lagu beegsanayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa howdka deegaanka Shabeelow,waxa ayna dowladda sheegtay in howlgalka lagu bur buriyay gaadiid dagaal, saanad ciidan , qaraxyo iyo agabyo kale.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howlgalka xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelow lagu dilay 20-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Magacyada Diyaaradaha iyo Maraakiibta dagaal ee Mareykanka ku taageerayo Israel

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in taageero milatari u direyso maamulka Israel, kaddib markii kooxda Xamaas ku qaaday Israel weerar aan nuuciisa horey loo arag oo lagu laayay askar iyo dad kale oo badan oo kasoo jeeda Yahuuda.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin ayaa ku dhawaaqay in taageero milatari u dirayaan Israel , si ay u taageeraan gulufka milliteriga Israel ka wadaan Marinka Qasa, kaddib weerarkii kooxda Xamaas.

Mareykanka ayaana u diray xeebaha dhulka la heesto ee Falastiin markabka diyaaradaha xambaaraha ee The Aircraft carrier USS Gerald R. Ford, markabka gantaallada ee TUSS Normandy iyo tiro kale oo kamid ah maraakiibta wax burburiya ee Mareykanka leeyahay.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ku caawinayaan ciidamada Yahuuda ayaa waxaa ku jira diyaaradahaU.S. Air Force F-35, F-15, F-16 iyo A-10, kuwaa oo gacan siinaya ciidamada argagaxsan ee Israel.

Mareykanka ayaana si cad garab istaag ugu muujiyay maamulka Israel oo la kulmay weerar aysan waligood horey u arag, waxa ayna ciidamada Israel isku dayayaan in ay qaadaan weeraro u muuqda aargoosi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Ilhan Cumar oo si kulul u Cambaareesay Weerarka Xamaas ku qaaday Israel

Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay kana tirsan Aqalka Koongareesa dalka Marekanka Ilhaam Cumar ayaa si kulul u cambaareysay weerarka kooxda Xamaas Sabtidii ku qaaday dhulka xooga ku heesato Israel.

Ilhan Cumar  ayaa qoraal ay soo saartay weerarka Xamaas ku tilmaamtay wax laga argagaxo, iyada ku eedeysay Xamaas in ay laayeen dadka aan hubeysneyn, sidoo kale  afduub u geesteen dad shacab ah iyo askar.

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa ugu baaqday Xamaas iyo Israel in ay dejiyaan xaaladda kana shaqeeyaan  xabad-joojin, waxa ayna shaacisay in ay sii wadi doonto deadaalada ay nabadda ugu raadineyso bariga dhaxe.

Hadalka Ilhan Cumar kasoo saartay dagaalka Xamaas iyo Israel ayaa u muuqda mid dhinac u janjeera, waxaana xildhibaanadan horey loogu eedeeyay in ay neceb tahay Israel ayna u jan jeerto dhinaca Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

News in English

Any Further Delay in Completing the Constitution will lead to Total...

The decade-long delay in the completion of the Provisional Federal Constitution (PFC) is major threat to statebuilding in Somalia. Although one of the reasons...

Xulka Allbanaadir

HINNA Jobs

HINNA as a local humanitarian organization, established in 2003 for providing humanitarian support to the vulnerable and marginalized populations in south and central Somalia, HINNA...