Wednesday, November 29, 2023
Home Blog Page 5

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha shacabka BFS? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen, ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa ka-doodida  xaalada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, roobabka ka da’ay gobolada dalka.

Kooramka kullanka maanta oo ahaa 143 Mudane ayaa waxay xildhibaannada si weyn uga hadleen, degaan doorashadooda, iyagoona Golaha hortooda ka sheegay in hay’adaha ku shaqada leh arrimaha samafalka ku dadaalaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa. Waxay na soo jeediyeen in muhiimada koowaad la siiyo badbaadinta shacabka isla-markaana lagaarsiiyo adeegyada asaasiga ee deg dega ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta arbacada la isku soo laabto si loo sii amba qaado soo jeedinta  xildhibaanada si  go’aan looga soo saaro.

- Advertisement -

(Sawirro) Booliiska Maraykanka oo qabtay ninkii toogtay saddex arday oo reer Falastiin ah

Eedeysane magaciisa lagu sheegay Jason J Eaton, oo 48 jir ah ayaa loo xiray toogashada saddex falastiiniyiin ah oo ka dhacday Mareykanka, sida ay sheegeen booliiska magaalada Vermont.

Weerarka ayaa loo baarayaa inuu yahay dambi islaam nacayb ku saleysan, iyadoo sadexda nin oo qaban dhaawacyo kala duwan haatan lagu daweynayo goobaha Caafimaadka

Eaton ayaa la sheegay in uu toogtay saddex arday oo falastiiniyiin ah oo wax ka baranayay Jaamacada ku taal meel u dhow jaamacada Vermont ee Burlington fiidnimadii sabtida kadibna uu baxsaday, sida ay booliisku sheegeen.

Laba ka mid ah dhibanayaasha ayaa ah muwaadiniin Maraykan ah halka kan saddexaadna uu yahay qof si sharci ah u degganaa Maraykanka.

Dhammaantood waa 20 jiro, sida ay booliisku sheegeen. Xiliga uu weerarku dhacayay ayaa la sheegay in labo ka mid ah ragaasi ay xirnaayeen camaamad madaw iyo cadaan ah oo ay xirtaan Carabta ku dhaqan Bariga Dhexe, sida ay sheegeen.

- Advertisement -

Midowga Yurub oo dalab adag oo xasaasi ah u jeediyey Xamaas iyo Israel

European Union High Representative for Foreign Affairs and Security Policy Josep Borrell speaks during a debate on the humanitarian situation in Gaza, at the European Parliament in Strasbourg, eastern France on November 22, 2023. (Photo by FREDERICK FLORIN / AFP) (Photo by FREDERICK FLORIN/AFP via Getty Images)

Madaxa Siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa ku baaqay xabbad-joojin raagta oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas.

Xabbad-joojintii afarta maalmood ahayd ee bilawga ahayd waxay ahayd ayuu yiri tallaabada koowaad ee muhiimka ah ee loo qaaday xal siyaasadeed.

diblamaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub ayaa wuxuu hadalkan ka sheegay shirka 8-aad ee Midowga Yurub ee Madasha Gobollada Mediterraneanka (UfM) ee Barcelona, ​​Spain.

“Berrito, hakinta howlgallada waa ay dhammaan doontaa. Waxaa laga yaabaa inay ku sii jirto dhowr maalmood oo kale. Laakiin waa inaan bilownaa inaan ka fikirno, sideen ku sii wadi karnaa geeddi-socodka siyaasadda laga bilaabo maanta,” ayuu Borrell ku daray.

Spain ayaa dhaleeceeysay weerarka Xamaas ay ku qaaday Israa’iil balse waxay wax wax aan la aqbali karin ku tilmaantay sida ay Israa’iil u isticmaashay awooda iyo xaqa ay u leedahay iney is difaacdo.

- Advertisement -

(Daawo Sawirro) Sida fatahaada webigu u saameysay degmada Buuloburde

Wararka naga soo gaaraya degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaafadaha qaar ee degmadaasi oo ku fatahay wabiga shebeelle oo dhexmara degmadaasi.

Xafadaha Bogabeyso, Indhaceel, Wadajir iyo Xaajibuube ayuu karkaarada ka jabsaday Wabiga oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waday Biyo aad u farabadan.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu fatahaad hor leh  ka sameeyo wabiga xaafadaha Hanti-wadaag iyo October oo aan waligod biyo gaarin.

Buundada degmada Buuloburde ayaa halis ugu jirto inay go’do maadaama Biyuhu buux dhaafiyeen, waxaana shacabka ay isticmaalayaan Doomaha Matoorka ah.

Gudaha magaalada ayaa la soo sheegayaa inuu ka bilowday barakac aad u baahsan oo ay sameynayaan dadka degaaanka, kuwaasoo deegaansanaya dhulka taagga ah si ay fatahaada uga bad badan

Wabiga shabeelle ayaa sidaan oo kale waxa uu fatahaad uga sameeyay Magaalada Beledweyne, halkaasoo ay ka barakaceen inta badan dadkii daganaa, sidoo kale gobolada Gedo, Baay iyo Bakool ayuu wabiga ku fatahay waxaana dhammaan degaanada ka jiri xaalado adag oo dhinaca nolosha ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -

Xasan Sheekh oo Daah-furay Hiigsi Qaran oo ka kooban saddex qeybood (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda”.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.

3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

- Advertisement -

Saddex Mashruuc oo noqonaya xalka waara oo maanta xariga laga jaray (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Saddexda mashruuc ee maanta la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto saameynta uu isbeddelka cimilladu ku yeeshay baracayaasha ku nool Soomaaliya, La-qabsiga Isbeddelka Cimillada iyo Xalka waara ee dadka ku dhaqan Dooxada Wabiga Shabeelle ee uu saameeyay barakaca iyo xoojinta ka qeyb-qaadashada Horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Dumarka Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey hey’adaha iyo dowladaha mashaariicdani ka taageeraya Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee El-nino.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo barmaanijyada xalka waara u noqon kara dhibaatooyinka soo noq-noqda ee dalkeenna saameeya.

Munaasabadda daah-furka mashariicda, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Wasiirro ka socday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Danjiraha Midowga Yurub iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Xukun dil ah oo lagu riday askar qof shacab ah u dilay muran dartiis

Dable Boolis Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf ayaa loo soo xiray dil bareer ah u geystay marxuum Cali Cabdi Cali falkaas oo kadhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley Shantii bishii September ee sanadkan.

Muran dhex maray marxuumka iyo Sargaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhax galay waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay.

Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka oo isla goobtii ku naf baxay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.

Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

- Advertisement -

Ra’isul Wasaare Xamse oo kormeer ku tagay isbitaalka Guud ee magaalada Kismaayo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixinno ku saabsan xaaladaha caafimaad ee dadka ku jira isbitaalka ka dhageystay dhakhaatiirta oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.

Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

- Advertisement -

Xildhibaanno kutlad cusub uga dhawaaqay Muqdisho kana soo horjeestay heshiiskii…

Qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa lagu tiriyo mucaaradka ayaa maanta ku dhawaaqay kutlad cusub ay ugu magac dareen Toosin Qaran .

Xildhibaannadan oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kutladooda cusub ee Toosin Qaran u taagan yihiin ilaalinta Dastuurka dalka iyo sidii loo toosin lahaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Khaliif Cumar Cabdi oo warbaahinta u akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay xildhibaannada kutladan ku mideysan ayaa sheegay in ay u taagan yihiin ilaalinta Dastuurka , sidoo kale mataleyaan shacabka Soomaaliyeed ee matalaadooda ku joogaan.

“Annagoo ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS waxaan halkan kaga dhawaaqeynaa magaca Kudlada Toosin Qaran, magacaas oo u taagan ilaalita dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka”,jeedada guud ee Kudlada waa metalaadda shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtanka iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayuu yiri Khaliif Cabdi Cumar.

Xildhibaannada ku mideysan kutaladan cusub ee maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan qodobadii kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga Qaran , gaar ahaan wax ka bedelka Dastuurka oo loo ololeenayo.

“Kudladan waxay walaac ka muujineysaa qodobadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee aan loo dhammeyn, kuwaas oo qaarkood ah ay ahaayeen kuwa ka hor imaanayo dastuurka iyo heheshiiyadii ay Soomaali wax ku dhisatay,axaan soo jeedineynaa in wax ka beddalka dastuurka uusan ahayn wax koox gaar ah ay go’aan ka gaari karaan maadaama uu yahay heshiis siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Kutladan.

Kutladan cusub ee maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xilli xildhibaannada golaha shacabka ka dhax socdo olole la doonayo in wax looga bedelo Dastuurka laguna meel mariyo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Ra’isul Wasaare Xamse oo xariga ka jaray Dhismo si casri ah loo dhisay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam , ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland oo loo dhisay qaab-casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hirgelinta xarunta cusub wasaaradda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradaha Caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, isla markaana ay ka yeeshaan qorshe cad.

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay, ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda la xiriira wax ka qabashada saameynta roobabka daadadka wata iyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu siiso bulshada ku nool deegaannada Jubbaland.

- Advertisement -

News in English

Any Further Delay in Completing the Constitution will lead to Total...

The decade-long delay in the completion of the Provisional Federal Constitution (PFC) is major threat to statebuilding in Somalia. Although one of the reasons...

Xulka Allbanaadir

HINNA Jobs

HINNA as a local humanitarian organization, established in 2003 for providing humanitarian support to the vulnerable and marginalized populations in south and central Somalia, HINNA...