Roobow & Musharaxiin kale oo sheegay inuusan sharci aheyn Sii-hayaha Madaxweynaha KG (Akhriso)

Qaar ka mid ah Musharaxiinta doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa soo saaray War-saxaafadeed, waxayna ka hor yimaadeen Sii hayaha Madaxweynaha KG C/qaadir Shariif Shiikhuna Maye.

Saddex musharax oo kala ah Mukhtaar Roobow, Aadan Saransoor iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa sheegay in Kusimaha Madaxweynaha C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye uusan sharci ku fadhin, sidaas darteed wixii ka dambeeya 8-da bisha December aanu sii heyn karin xilka Kusimaha.

Qoraalkan ayaa uga sii daraya xaaladii awalba cakirneyd ee ka taagneyd doorashada Koonfur galbeed, wuxuuna u qornaa sidatan:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com