Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo saaka kusii jeeda Garawe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saakay kusii jeeda magaalada Garawe ee caasimada Puntland, halkaas uu kaga qeyb galayo caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Magaalada Garawe waxaa ka socda diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafti la socda, waxaana la filayaa Madaxweyne Farmaajo garoonka diyaaradaha Garawe kusoo dhaweeyaan masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kala duwan ayaa magaalada Garawe uga qeyb galaya munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

Garawe waxa ay kulmisay Madax iyo siyaasiyiin kala aragti duwan oo mudo aan meel isku arkin, waxaana la filayaa in Munaasabada caleemo saarka madaxda kala duwan maanta ka jeediyaan khudbado xasaasi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com