Madaxweyne Deni oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Golihiisa cusub ee Wasiirada (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulankii ugu horeeyey la qaatay golaha Xukuumaddiisa cusub oo maanta la dhaariyey intooda badan.

Madaxweyne Deni ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay si hufan, daacad ah, hawlkarnimo ah ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay golahan wasiirada inay sugayso shaqo balaaran oo dastuuri ah taasoo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed isagoo ku adkeeyey inay ka feejignaadaan wax kasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada oo wanaagsan u guta waajibaadkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com