Dilkii Paol Farmosa oo saameyn ku yeelatay Ajaaniibtii ka shaqeeneysay Dekadda Boosaaso

Al Shabaab ayaa howlgal qorsheesan ku dishay Madaxii Shirkada DP World ee dekada magaalada Boosaaso  Paol Farmosa , waxaana dilkan saameyn badan ku yeeshay shaqadii ka socotay dekadda Weyn ee Boosaaso.

Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ayaa sheegaya ajaaniibtii ka shaqeeneysay Dekadda Boosaaso ay ku jiraan kuwa ay dalka keentay Shirkada DP World in shaqada joojiyeen, waxa ayna shaqaalahan muujiyeen in ay lasoo daristay dareen cabsi oo aad u xoogan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in shaqaalaha ajaaniibta qaarkood ay isaga tagaan shaqadii ay ka hayeen dekadda magaalada Boosaaso, waxa ayna ajaaniibtan ka walaacsan yihiin sida fudud ee loogu dilay qeybo kamid ah dekadda Boosaaso Madaxii shirkada DP World.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage  in dilka Madaxii Shirkada DP World ee Dekadda Boosaaso  uu saamayn ku yeeshay shaqaalihii Ajnebiga ee ka shaqaynayay Dekeda iyo guud ahaan shaqadii Dekeda.

Waxa uu sheegay Wasiirka in hada shaqada Dekadda dib u bilaabatay ayna shaqada wadaan sida uu tilmaamay dadka Soomaaliyeed ee tababareen ajaaniibta cabsida darted u joojiyay shaqadii ay ka hayeen dekadda magaalada Boosaaso.

” Dadkii ajaaniibta ah ee ka shaqeenayay Dekadda Boosaaso waa ay saameysay dilka dhacay , , laakiin qof ajnebi ah ma dhoofin wali waa joogaan , shaqaale ajaaniibta ay noo tababareen ayaa shaqadii sii wado” ayuu yiri wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage.

Dilka magaalada Boosaaso loogu geestay Madaxii shirkada Imaaraadka laga leeyahay ee DP World ayaa saameyn balaaran ku yeelatay howlihii shaqo ee ka socday dekadda magaalada Boosaaso, waxaana hada shaqadu dib ugu soo bilaabaneysaa si tartiib tartiib ah.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com