Akhriso: Warbixin ku saabsan sida aan looga faa’ideysan kheyraadka ku jira dalkeenna

Soomaaliya waa dal dhaca Geeska Afrika kaasi oo xudduud ahaan la wadaaga dalalka  Itoobiya, Jabuuti, Kiinya iyo Badweynta Hindiya. Soomaaliya waa dalka ugu xeebta dheer qaaradda Afrika, dhulka ayaa u qeybsama deegaanno sarre, dhuldaaqsimeed iyo buuroleey, Cimilo ahaan waddankeennu waa mid diiran sannadki oo idil, inkastoo ay soo dhacaan dabeylaha monsoonku iyo roob aan joogto ahayn.

Dadkeennu waa muslimiin100%, waa bulsho ku ad-adag islaanimada, alle SWT waxa uu ku manneystay kheyraad fara badan, waa mid ka mid ah dalalka uu alle ugu nimceeyay in ay heystaan Islaanimo, kheyraad isugu jira Bad iyo Berri. Soomaaliya waxa ay qani ku tahay beero, xoollo, kalluun iyo macaadin kala duwan, sidaasi oo ay tahay haddana innagu ma nihin kuwa si guud ugu faaideysta oo waxaan inta badan gargaar weydiisanaa waddamo innaga kheyraad hooseeya, dalkeenna ayaa dunida ugu can baxay kuwa ay ka jiraan abaaro, baahi, caafimaad darro iyo faqri.

Waxa aan leenahay xoollo fara badan oo isugu jira Geel, Arri iyo Lo’a kuwaasi oo aan qeyba kala duwan u isticmaali karno, tusaalle in aan mar xoolihi oo nool dhoofin u sameyn karno iyo caanaha inta aan warshadeyn ku sameyno dibadda u dhaafino, Soomaaliya waxay leedahay geela ugu badan dunida oo tiradiisa lagu qiyaasay 7.1 milyan oo neef. Hay’adda FAO ayaa sheegtey in sannadkii 2014 dalka Soomaaliya ay  dibadda u dhoofisey 5 milyan oo neef, waana tiradii ugu badneyd oo ay Soomaaliya dhoofiso ka dib burburkii dalka ka dhacay, waxaana la sheegay in lacagta kasoo xarootay ay gaarsiisaneyd $360 million.

Dalka waxa uu leeyahay xeebta ugu dheer qaaradda Africa taasi oo ay ku jiraan khayraad kala duwan oo xittaa xeebaha wadamada kale aanan laga heli karin, sida ay rumeysan yihiin khubarada ku taqasusay cilmiga badaha, kheyraadka ku jira baddeenna haddii si wanaagsan loogu faa’ideysto waxa uu kaafin karaa guud ahaan nolosha dadka Soomaaliyeed.

Wax soo saarka kalluunka Soomaaliya intii u dhexeysay sannadihii 1980 illaa 1985 wuxuu ahaa kuwii ugu badnaa, 4 kun illaa 8 kun oo tan ayaa sanadkii lagu qiyaasay inuu ahaa wax soo saarkiisu, waxaana waqtigaasi xoogga la saaray dhinaca kalluumaysiga, dowladdii Kacaanka oo xilligaasi jirtay ayaa u samaysay mashaariic horumarineed, waxayse arrimahaasi meesha ka baxeen xilligii burburka. Sida ay FAO warbixinteedii soo baxday sanadkii 2011 ku muujinayso 55 milyan oo Dollar ayaa hadda kasoo baxda wax soo saarka kalluumaysiga Soomaaliya.

Wax soo saarka kalluun ee dalka  sannadkii waxaa lagu qiyaasay inuu yahay 835 kun oo tan. Sahan la isku halayn karo xogta ku jirta ayaa sheegaysa in 17 nooc oo kalluun kala duwan ah, 8 ka mid ah qaybahaas waa afdhuubyada, kalluunka rida, libaxyada, cansaanyada iyo qaybo kale oo ah kuwa la soo jilaabto 40% kalluunka la soo saaro, mana ahan wax joogto ah.

Bal qiyaas shaqsi inta u jilaabasho tago badda ka dibna Suuq balaaran u sameysta muxuu maalintii faa’ido ahaan u heli karaa? Aragti ahaan haddii ganacasatada Soomaaliyeed  ay ku fekiraan in ay sameeyaan warshado yaryar oo soo saara kalluunka waxaa meesha ka baxaya in laga kaaftoomo kuwa aan dibadda kasoo dhoofsano, halkaasina waxaa ka dhalan karta in innagu aan wadamada kale u dhoofino kalluunka, waxaa jira caqabado badan oo ay la kulmaan kalluumeysatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kasoo wajahaan dooni iyo maraaakiib si sharci darro ah ugu jilaabeysta xeebaha dalka.

Beeraha ayaa ah wax soo saarka baaxadda leh ee waddankeenna uu leedahay, beertu waa habka abuuridda, xanaaneynta iyo soo saaridda dhir laga sameeyo daawo, cunto, dhar, hoy iyo agab wax tar leh, Soomaaliya waxa ay leedahay dhul aad u baaxad weyn oo ku wanaagsan abuurista miraha kala duwan, taasi oo dhaqaalle badan kaga imaan karo bulshada Soomaaliyeed haddii Il dhab ah lagu eego.

Laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya waa dhaqashada xoolaha nool iyo beerashada dalagyada maxalliga ah, dhaqaalayahannadu waxay sheegaan in Soomaalidu ay leedahay dhul beerashada ku wanaagsan oo gaaraya 8-Milyan oo Hiktar, balse dalkeenna ayaa dhulkaasi hodonka ah keliya  beerta 1% waana  ayaan darro heysata Soomaalida taasi oo qeyb weyn ka ah hoos u dhaca dhaqaalaha dalka.. Burburka kaddib, qiimaha wax soo saarka raashinka wuxuu hoos u dhacay 60% laga soo bilaabo 1989, marka la bar-bar dhigo 1980maadkii oo uu ahaa 53% cel celis ahaan.

Dalka sidaasi Hodonka u ah ayay malaayiin Soomaali ah ka baahanyihiin oo ay gaajo awgeed uga qaxeen dalkoodi ayna u gacma hoorsanayaan dowlado shisheeye. Waxaa xaqiiq ah in horumar la taaban karo laga gaari karo dhanka beeraha, haddii bulsho weynta usoo jeestaan oo ay maalgashina ku sameeyaan noocyada kala duwan ee Kheyraadka dalka.

Waxaa nasiib leh mid ka dhashay dalka Soomaaliya, kaasi oo ku faani kara in uu yahay Muslim uu alle ugu manneystay Kheyraad fara badan sida Badda ugu dheer Africa, Maacaadin, keymo, dhul beereed oo wax waliba laga beeri karo iyo guud ahaan waxa uu maanta taajir ku noqon karo shaqsiga Soomaaliga ah. waxaase ayaan darro ah in dalka hodanka ahi aad ka dhalatay haddana aad gacmaha u hoorsaneysid dal shisheeye oo aad adigu dhan waliba kaga wanaagsan tahay.

Ugu danbeyn waxaan dowladda Soomaaliyeed talo ahaan ugu soo jeedinayaa in wasaaraddaha sida goonida ah ay u taabaneyso warbixitaan lagula xisaabtamo wax-qabadkooda, si guudna dowladda ay mashaariic fara badan ay ku bixiso kheyraadka kala geddisan ee uu dalkeennu leeyahay sida kalluumeysiga,Tacabka, Xoollaha,Keymaha,Shidaalka,Macdanta iyo nooc waliba oo uu dalkeennu ku tiigsan karo dalalka kale ee naga horumaray.

Qore: Mohamed Hassan Mohamed Owen

Email:Mohassan484@gmail.com

Weriye ka tirsan Radio Himilo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com