Afhayeen cusub oo loo magaacabay Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada

Wareegto ka soo baxday maanta Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa waxaa siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan loogu magacaabay Afhayeenka cusub ee Golahan.

Sidoo kale, Magacaabista ayaa waxaa la ogeysiiyay dhamaan madaxda maamul Goboleedyada xubnaha ka ah golaha marka laga reebo Maamulka Hir-Shabelle.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa hadda ah Wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waana nin ka soo jeeda beelaha awooda ku leh magaalada Muqdisho.

Wuxuu ka mid ahaa raggii aasaasay golihii dhaqanka beelaha Hawiye sanadkii 2006-dii, kuwaasoo horseed ka ahaa dagaalkii looga soo horjeestay dowlada Madaxweyne marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed iyo ciidamadii Itoobiya ee qabsaday magaalada Muqdisho.

Akhriso Wareegtada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com