Madaxweyne Farmaajo oo qado sharaf u sameeyay mid kamid ah Madaxda maamul goboleedyada (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo wafdi la socday.

Kulanka qado sharafta kadib ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabducasiis Lafta Gareen oo howlo shaqo Muqdisho u yimid.

Madaxtooyada  ayaan wali faah faahin ka bixin kulanka dhax maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha K/Galbeed, waxaana kulankan kusoo aadayaa xili Madaxweyne Farmaajo n Madaxda maamul goboleedyada ku casuumay shir ka dhacaya Muqdisho .

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xiriir dhaw la leh Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha maamulkaasi oo Wasiir ka ahaa Xukuumada Federaalka gacan ka siisay in Madaxweyne noqdo Madaxtooyada Soomaaliya.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -