Shir Xasaasi ah oo caawa ka socda Xafiiska Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre

Waxaa caawa Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka socda shir xasaasi ah ay leeyihiin qaar kamid ah golaha Wasiirada iyo Taliyaasha ciidamada qalabka sida.

Sida aan wararka ku heleyno shirka ayaa looga arinsanayaa xaalada amaan ee dalka iyo sidoo kale kulanka beri la filayo ay Golaha Shacabka ku hortagaan qaar kamid ah golaha Wasiirada iyo taliyaasha ciidamada.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa u yeeray Wasiirada Amniga, Gaashaandhiga, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyaasha ciidamada si wax looga weediiyo xaaladaha amaan daro ee dalka gaar ahaan mida Muqdisho kusoo korortay.

Kulanka caawa ka socda Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa looga arinsanayaa sida laga yeelayo kulanka beri iyo sidii warbixin aan iska hor imaaneyn Xildhibaanada ugu siin lahaayeen Wasiirada iyo taliyaasha loo yeeray.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in caawa ka dhageesanayay Wasiirada iyo taliyaasha qaar warbixinada ay beri la hortagayaan Xildhibaanada golaga shacabka, waxaana warbixinada qaar Ra’isul Wasaaraha ku darsanayay talo sida xogta ku helnay.

Kulanka beri yeelanayaan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa wax looga weediin doonaa Wasiirada iyo taliyaasha loo yeeray, waxaana u yeerida xubnahan kusoo aadeysa xili amaanka Muqdisho xumaaday sidoo kale wadooyin badan la xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -