Axmed Madoobe oo Kismaayo ku laabtay, kana hadlay heshiisyo uu la galay dowlada (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo galabta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in wax badan oo ka mid ah waxyaabahii ay isku hayeen dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland laga heshiiyay loona baahan yahay in la dhaqan galiyo.

Axmed Madoobe oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu Muqdisho u tagay howlo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka iyo mad madowga ka dhaxeeyay dowladda dhexe iyo maamulkiisa taasina lagu guuleystay

Waxa uu sheegay in booqashadiisu ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra’iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo isla markana wadahadalo dheer oo la galay si fiican ay kusoo dhamaadeen laguna gaaray heshiis.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xafiiskiisa casho sharaf sagootin ah ugu sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan booqasho ku joogay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -